Sen. Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ku guuleystey ku-xigeenka kowaad ee Aqalka Sare

Published: April 26, 2022

Sen. Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doorto Hirshabelle ayaa ku guuleystey guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Aqalka sare, doorasho aad u adag. Ninka la tartamaayey oo lagu magacaabo Sen. Cabdixakiim macalim ayaa helay 25 cod, halka Cali Shacbaan Ibraahim uu helay 28 cod, waxaana xumaadey hal cod oo keliya.

Doorashada ayaa lagu celiyey kadib markii labada Musharax midkastaa helay 27 cod, taas oo ka dhigtey tii ugu adkeyd. Tirada guud ee Aqalka sare ayaa ah 54 Xildhibaan.

Cali Shacbaan Ibraahim waa markii u horeeysey ee Aqalka Sare uu soo galey, waxaana tageero xooggan uu ka helaayey maamulka Hirshabelle,

Cabdixakiim Macalin Axmed ayaa laga soo doortaa GALMUDUG, waxaana uu sameeyey dedaal aad u wanaagsan, ugu danbeyn natiijada waa oggolaadey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *