Senegal: Gacan ka hadal ka dhacay Baarlamaanka iyo Doorashada oo dib loo dhigay

Published: February 6, 2024

Golaha Shacabka ee dalka Senegal ayaa xiliga doorashada Madaxweynaha dalkaasi dib u dhigay illaa bisha December ee sanadkan, arrintan oo daba socota go’aankii Madaxweynaha dalkaasi uu dib ugu dhigay doorashadii horey loo qorsheeyey dhamaadka bishan Feberaayo.

Xildhibaanada Mucaaridka oo kasoo horjeeday dib u dhigida doorashada ayaa diiday in wakhtiga loo kordhiyo Madaxweynaha xilka haya Macky Sall oo isagu aan dib u tartami doonin.

Ciidamada amaanka ayaa xoog ku galay Golaha Shacabka xiligii ay codbixinta socotay iyagoo halkaasi ka saaray xildhibaanada mucaaridka oo ka horyimid codbixinta ka dhacday Baarlamaanka oo ay ku tilmaameen inqilaab Dastuuri ah.

Madaxweyne Sall oo aan isagu xilka u tartami doonin ayaa u magacaabay Ra’iisul wasaare Amadou Ba oo ka tirsan xisbigiisa inuu noqdo hogaamiyaha bedallaya. Balse Amadou ayaa la sheegay inuusan ka guulyesan karin murashaxiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda.

Waxaa weli xabsiyada dalkaasi ku jira qaar kamid ah Murashaxiintii Madaxweynaha ee Mucaaridka oo danbiyo kala duwan lagu eedeeyey.

Dalka Senegal ayaa kamid ahaa wadamada kooban ee lagu yaqaan dimuquraadiyada ee Qaarada Afrika, xiisada hada ka taagan ayaa laga cabsi qabaa inay sare usii qaado isku dhacyada u dhaxeeya shacabka iyo ciidamada amaanka.

Horseed Media