Senetka Maraykanka ayaa ansixiyey xubinnimada NATO ee Sweden iyo Finland

Published: August 4, 2022
Shares54
sente
Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senetka Chuck Schumer ayaa waxaa garab taagan Paivi Nevala, oo ah lataliyaha safaarada Finland ee dhanka bidix, iyo Karin Olofsdotter, safiirka Sweden ee Mareykanka, dhexda

Aqalka senate-ka Mareykanka ayaa aqlabiyad ballaaran ku ansixiyay ka mid noqoshada Finland iyo Sweden ee Gaashaanbuurta NATO. 100-ka xubnood ee Guurtida, 95 ka mid ah ayaa u codeeyay. Midna wuu diiday halka mid kale ka aamusay.

NATO waxay si rasmi ah ugu casuuntay Sweden iyo Finland inay ku biiraan isbahaysiga dhamaadkii bisha June, go’aankana waa inuu tagaaraa 30-ka dawladood ee xubnaha ka ah baarlamaanada iyo sharci dejinta dalalkaas si ay u ansixiyaan kama dambaysta ah.

Senetarka Jamhuuriga Josh Hawley ayaa u codeeyay maya, halka mid kale oo Jamhuuri ah oo lagu magacaabo Rand Paul uu ka aamusay.

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senetka Chuck Schumer ayaa ku dhawaaqay Talaadadii in codeynta lagu ansixinayo qaraarka ansixinta codsiga Sweden iyo Finland ee NATO uu dhici doono, wuxuuna sheegay inuu ku casuumay safiirada Finland iyo Sweden inay goobjoog ka noqdaan codeynta.

Senatorka Jamhuuriga ah Josh Hawley ayaa ahaa senatarka kaliya ee ku codeeyay maya, runtiina waa qofka kaliya ee dhaleeceeyay intii dooddu socotay.

Waxa uu aaminsan yahay in khatarta ugu weyn ee Maraykanka aysan ahayn Ruushka balse ay tahay Shiinaha sidaas darteedna NATO aan la balaarin.

Intaa waxaa dheer, wuxuu aaminsan yahay in xiriirka taariikhiga iyo dhaqanka ku salaysan ee la xoojiyo ugu dambeyntii ay dhibaato u keenaan canshuur bixiyaasha Mareykanka.

Waan fahamsanahay in Finland iyo Iswidhan ay rabaan inay ka mid noqdaan NATO laakiin waxaa la is weydiin karaa inay tani dani ugu jirto Mareykanka? Shaqadeenu waa inaan difaacno Ameerika, ilaalino shaqaalaheena iyo shaqadeena, ma abuurno nidaam caalami ah oo xor ah.

Josh Hawley

30-ka waddan ee xubnaha ka ah NATO, 23 waddan ayaa hadda ansixiyay codsiga Finland iyo Sweden ee NATO.

Ku biiritaanka NATO waa in ay ansixiyaan baarlamaannada 30ka waddan ee NATO, waxaana caqabadda ugu weyn weli ah dalka Turkiga oo ku doodaya in Sweden iyo Filand weli aysan ka soo bixin heshiiskii ay wada gaareen shirkii Madrid.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *