Shacabka Kenya oo saaka u dareeray doorashada guud ee dalkaasi

Published: August 9, 2022
Shares20

Shacabka dalka Kenya ayaa saaka u dareeray goobaha doorashada, si ay ugu codeeyaan hoggaanka siyaasadda dalkaasi.

Doorashadan ayaa ah mid lagu soo dooranayo Madaxweynaha dalka, Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Deegaanka iyo Wakiilada Haweenka.

Dadweynaha ayaa safafka ugu jira goobaha codbixinta, iyagoona dooranaya Madaxweynaha 5aad ee dalkaasi.

Guddiga Doorooyinka ayaana sheegay in la diyaariyay in ka badan 46,000 oo goobood, oo codbixiyeyaashu ay codkooda ka dhiiban karaan.

Loolanka loogu jiro jegada madaxtinimada ee dalkaasi ayaa waxaa ugu cadcad Madaxweyne Kuxigeenka haatan xafiiska joogga William Ruto iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Raila Odinga, kaasoo la fahamsan yahay inuu taageero ka helayo Madaxweynaha xafiiska baneynaya Uhuru Kenyatta.

Doorashadan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya dad tiradooda lagu sheegay 22.1 milyan oo qof, tani oo ay uga dhigan tahay mid taariikhiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *