Shacabka Puntland oo saaka u dareeray Doorashada qof iyo cod ee degmooyinka Qardho,Ufeyn iyo Eyl

Published: October 25, 2021

Dadweynaha kunool magaalooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa saaka xilli hore u dareeray Doorashada Qof iyo Codka ah ee Golaha deegaanka degmooyinka oo si hordhac ah uga qabsoomaysa sadexdan degmo.

Doorashadan oo ah tii ugu horeysay oo dadweynuhu ay codkooda dhiibanayaan ayaa waxaa ku tartamaya ilaa 8 kamid ah 9Urur Siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Goobaha loo asteeyay in ay dadweynaha ka codeeyaan ayaa gaaraya 54 goobood, tirada musharixiinta tartamaya doorashada ee kasocsa urur siyaasadeedyada ayaa dhan 449 musharax degmooyinka sadexda ee ay doorashadu ka dhacayso.

Inkabadan 37,578 ruux ayaa horey u qaatay kaararka codeynta doorashada saaka loo dareeray waxaana badankood ay maanta jaangoynayaan cidda ku matalaysa hogaankooda.

Codeynta Doorashada oo bilaabatay 6:00 aroornimo ee saaka waxaa la filayaa in lasoo xiro codeynteeda makhribnimada caawa 6:00 pm inkastoo laga yaabo in Guddigu ay wakhti ku daraan codeynta hadii ay kusoo dhamaan weyso xiliga loo asteeyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *