Guddoomiyaha FEIT oo bilaabay bixinta shahaadada Xildhibaanimo

Published: April 2, 2022

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer federaal (FEIT) Muuse Geele Faroole ayaa bilaabay in uu maanta bixiyo shahaadada Xildhibaanimo. Muuse Geele ayaa in badan oo kamid ah guddiga FEIT maalintii shalay ee Jimacada shaqo joojin ku sameeyeen kadib markii uu beegsadey afar kursi oo uu ku jiro HOP#086 oo loo doortey Fahad Yaasiin Daair.

Xildhibaano u badan kuwa laga soo doorto Galmudug, Gobolada Waqooyi iyo Hirshabelle ayaa saakey tegay Airport Hotel halkaas oo lagu bixinaayey Shahaadada.

Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa arrintan si adag uga horyimid, waxaana ay sheegeen in iyaga maamul ahaan iyo Guddiga SEIT ee heer Dowlad goboleed ay maamulka baarlamaanka ku wareejin doonaan liiska.

Shahaadada la bixinaayo ayaa ku eg Xoghaynta Baarlamaanka, kaas oo si rasmi ah u diiwaan gelinaya Xildhibaanada, kadibna siinaya Aqoonsiga rasmiga ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *