Shahaado siinta musharaxiinta guddoonka BF oo bilaabatay

Published: April 19, 2022

Guddiyada doorashooyinka guddoonada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay diiwaan gelinta iyo shahaado siinta musharrixiinta u tartameysa lixda kursi ee guddoonka BFS.

Musharixiinta ugu horreeya ee la diiwaangeliyay maanta waxaa ka mid ahaa Sheekh Aadan Maxamed Nuur  (Aadan Madoobe) oo u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Cali Caana-nuug oo u tartamaya guddoomiye xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa isna is diiwaan geliyey maanta.

Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black ayaa sidoo kale qaatay shahaadada muraashnimo ee guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in musharaxiin badan ay shahaadooyinka qaataan, waxaana si habsami leh u socota dhaqan gelinta jadwalka doorashada guddoonka BFS.

26-ka bishaan April ayaa la qorsheeyey in la qabto doorashada guddoonka golaha Aqalka Sare, halka maalinta xigta ee 27-ka bishan April la qabanayo doorashada guddoonka golaha shacabka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *