Shaqaalaha Baarlamaanka & Wariyeyaasha oo loo diiday inay galaan Teendhada Afisiyooi

Published: April 27, 2022

Warbaahinta iyo hoolwadeenada Baarlamaanka ayaa saaka loo diiday in ay tagaan hoolka Teendha Afisiyooni oo lagu qaban lahaan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanka 11 aad.

Saraakiisha ATMIS ee holwgalka Midowga Afrika ayaa warbaahinta iyo shaqaalaha Baarlamaanka ku wargeliyay in ay dib ugu noqdaan guryahooda madaama la diiday in la gudbo.

Sidoo kale waxa ay u shegeen ATMIS in Ciidanka Booliska oo ay si dhow ula shaqeeyaan aysan ku soo wargelin shirka sidaas darteedna la diday in loo gudbo howlka doorashada.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay weli dood adag ka taagan tahay Xildhibaannadii lagu doortay Gobolka Gedo inay ka qyeb galaan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *