Shaqaalaha DFS oo la fasaxay cabsi laga qabo cudurka Carono-Virus.

Published: March 20, 2020

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wareegto ay soo saartay waxay ku amartay in shaqaalaha dowlada ay hakiyaan imaanshahooda xafiisyadda shaqada, sidoo kalena ay ku shaqeeyaan guryahooda mudo kooban.


Warqad ka soo baxday Wasaarada shaqada iyo Arrimaha bulshada Dowlada Federaalka soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowlada ay ku shaqeeyaan guryahooda ,marka laga reebo Agaasimayaasha laga bilaabo maanta oo khamiis ah taariiqdana si looga hortago faafista Cudurka Coronavirus.

Wasaaradu waxay xustay in fasaxani uusan quseyn shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeynaya ka hortagga cudurka koronofaayraska, sidoo kale shaqaalaha ayaa la faray inaysan dadka salaamin,isla markaana ay xirtaan galoofiska gacmaha lagu xirto,gacmahamarwalba ay dhaqdaan.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *