Shaqaale Turkish ah ayaa Khamiistii lagu dilay Muqdisho

Published: April 5, 2024
Shares2

Mid kamid ah shaqaaaha Samafalka ee hay’adda Verenel Verenel Foundation ayaa lagu diley qarax ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee galbeedka magaalada Muqdisho, xilli ay ku sii jeedeen sidii ay cunto ugu qaybin lahaayeen dad masaakiin ah.

Weerarkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiid ay la socdeen shaqaale samafalayaal ah oo isugu jira Turki iyo Soomaali iyo ilaaladooda ay ku sii jeedeen xero ay ku jireen dad barakacayaal oo ku taala Garasbaaleey si ay raashin gargaar ah u gaarsiiyaan.

Goob joogayaal iyo booliis ayaa sheegay in qarax wadada dhinaceeda lagu aasay uu haleelay mid ka mid ah baabuurta, waxaana ku dhintay labo qof oo kala ahaa shaqaale u dhashey dalka Turkiye iyo qof Soomaali ay wada shaqeynayeen.

Qoraal ay soo dhigtay barraha bulshada ee X, oo hore loo oran jiray Twitter-ka, ururka Verenel, oo ah hay’adda gargaarka Turkiga ee raashinka geysay, ayaa waxay ku xaqiijisay in wakiilkii Soomaaliya, Abdurrahim Yörük, lagu dilay weerarka.

“Walaal [Abdurrahim Yörük] waxa uu ku dhintey weerarkii bam ee la qaaday 4.04.2024, kaas oo lala beegsaday kooxdayada Verenel Association, kuwaas oo Soomaaliya ka fulisa Hawlaha Gargaarka Bani’aadminimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Afhayeen u hadlay booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna sheegay in samafalayaasha la bartilmaameedsaday ay raashiin u geynayeen dad masaakiin ah oo sooman intii lagu jiray bisha Ramadaan.

Turkiga ayaa saaxiib weyn la ah Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii markaasoo Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Recep Tayyip Erdogan uu booqday Soomaaliya oo ay ka jirtay abaaro dad badan ay ku dhinteen. Tan iyo markaas, Turkigu waxa uu Soomaaliya ka caawinayey gargaarka bini’aadantinimo iyo taageerada miisaaniyadeed.

Al-Shabaab oo ka soo horjeeda taageerada Turkiga ee dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore weeraro galaaftay nolosha muwaadiniin Turkish ah oo shaqooyin rayid ah ka waday Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA