israsaasayn ka dhacday caasimadda Garoowe Caawa ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada ilaaliya madaxweyne…
israsaasayn ka dhacday caasimadda Garoowe Caawa ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada ilaaliya madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaarsh).
israsaasayntan ayaa dhexmartay ciidamada u xilsaaran Badowga habeenkii Garoowe iyo askari fadhiday meherad cunto oo xiligaas furnayd ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay askari kale .
Wararku waxay sheegayaan in shaqaaqadu ay ka dhalatay ka dib markii ciidamada Bandowga Garoowe ay isku dayeen inay xiraan meherada Furnayd oo ay ku sugnaayeen ciidamada Ilaalada madaxweyne ku-xigeenka taasi keentay in rasaas iswaydaarsadaan.
Dowladda Puntland ayaa bandow habeenimo waxay ku soo rogtay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
HORSEEDMEDIA