Shiinaha oo dhoolatus mileteri ka wada biyaha u dhow jasiiradda Taiwan

Published: August 4, 2022
Shares762

Ciidamada militariga Shiinaha ayaa bilaabay dhoolatus ciidan, oo ay ku jiraan gantaallo toos ah oo ay ku ridayaan biyaha iyo hawada ku hareereysan jasiiradda Taiwan, sida laga soo xigtay warbaahinta Shiinaha.

Tallaabadaan militeri waxaa maalmihii lasoo dhaafay walaac wayn ka muujinaysay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Taiwan.

Ridista gantaalladaas ayaa qayb ka ah dabrid toos ah oo ay samaynayaan militeriga Shiinaha, waana dhoollatuskii ugu waynaa ee abid ka dhaca gobolkaas iyo agagaarka jasiiradda.

Arrintan ayaa daba socotay booqasho ay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareyknaka, Nancy Pelosi ku tagtay Taiwan, taasoo muran xoog leh dhalisay.

Shiinaha oo si wayn uga carooday safarka siyaasiyadda kasoo jeedda xisbiga Jamhuuriga ayaa horay ugu hanjabay inuu jawaab culus ka bixin doono haddii ay tagto Taiwan.

Qaar ka mid ah meelaha ay gantaallada ku dhaceen waxay aad ugu dhow yihiin dhulka caadiga ah ee jasiiradda, waxayna u jiraan 12 mayl oo keliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *