Shil khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Garowe

Published: May 13, 2022

Shil gaari oo geystay khasaare kala duwan ayaa ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Shilkaan ayaa yimid, kadib markii Gaari nooca Iska-rogada loo yaaqaan oo siday reer miyi geeddi ah uu laamiga ka baxay.

Inta ilaa ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Puntland Hal ruux ayaa shilkaas ku geeriyooday.

Shilkaan ayaa noqonaya kii labaad ee saaka ka dhaca magaalada Garoowe, halka mid kale oo ka sii horeeyana uu ku dhintay hal qof.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *