Shir Degdeg ah: Golaha Wasiiradda Soomaaliya Oo Ka Arrinsanaya Heshiiskii Somaliland & Itoobiya

Published: January 1, 2024
shirka golaha wasiirada

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa beri shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada isugu yeeray shir looga hadlaya heshiiskaan maanta ay sida wada jirka u wada saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi.

Horseed Media