Shir Dhexmaray Masuuliyiin Muqdisho iyo Moscow Kala Joogta

Published: March 21, 2020

Wasiirka Maaliyadda XFS  Dr Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa qadka isgaarsiinta (Video Conference) kula shiray masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Russia oo ka mid ah Dowladaha Soomaaliya deynta kuleh.

Dhinaca Dowladda Ruushka waxaa shirka fadhiyay Wasiir ku-Xigeenka Maaliyadda oo lagu  TIMUR MAKSIMOV waxaa looga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ugu jirto in daymaha laga cafiyo iyo doorka dowladda Ruushka.

War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle  ayuu ku sheegay in ay ka wadahadleen sidii Ruushka uu Soomaaliya deynta uga cafinlahaa.

Dowladda Russia ayaa ah dowladda 2aad ee lacagaha ugu badan kuleh Soomaaliya, iyadoona rajo weyn laga qabo in laga cafiyo deymahaas Dowladda Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *