Shir Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmaya magaalada Muqdisho

Published: October 27, 2022

Shir Golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Muqdisho, halka Madaxweynaha Jubbaland la filayo in uu maanta gaaro.

Shirka Madasha wadatashiga Qaran waxaa shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta DFS iyo Dowlad goboleedyada, dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo wax ka qaabshada arrimaha abaaraha iyo arimo kale.

Horseed Media