Shir looga hadlay Amniga Madaarka Muqdisho

Published: March 26, 2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Duran Axmed Faarax ayaa shir gudoomiyay kulan la xariira Amaanka Garoonka Aden cabdulle kadib weerarkii dhacay Todobaadkii hore.

Kulanka Waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawadda, Maareeyaha Garoonka Aden Cabdulle, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka, Saraakiil ka socota Hay’adaha amaanka iyo AMISOM.

Intii Shirku socday ayaa Wasiir Duran Farah wuxuu Saraakiisha amniga ka dhagaystay warbixinola xariira weerarkii arbacadii ka dhacday Mariina Gate oo ka mida baraha kaantarool ee lagu hubiyo amaanka Garoonka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Dawladda Soomaaliya ayaa faray Hay’adaha amaanka in la adkeeyo amniga si looga gaashaanto dhacdo la mida tii todobaadkii hore.

Dowlada iyo AMISOM ayaa illaa iyo hada war dhameystiran kasoo saarin qaabka ay kooxda weerarka geysatay ay gudaha ugu soo galaan xayndaabka sida weyn loo illaaliyo ee madaarka Muqdisho, weerarkan oo noqonaya midkii ugu horeeyey oo in muddaha kooxda Al Shabaab khal khal ku geliso amaanka nawaaxiga Airport-ka iyo xerada Xalane oo ay degen yihiin safaaradaha ka hawlgala Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *