Shir looga hadlayay Amniga doorashada oo ka dhacay Baraawe

Published: February 5, 2022

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Shir Gudoomiyey Shir looga hadlaayey Amniga guud ee Magaalada Baraawe iyo Sugida Goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan Doorashooyinka Golaha shacabka ee laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa Shirka la isku dhaafsadey Warbixno iyo Qorshooyin Lagu sugeyo Amniga Magaalada iyo goobaha doorashada ay ka dhaceeyso , iyo sidii Ciidamada ay isaga kaashan lahaayeen sugidda Amaanka magaalada Baraawe.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Sarakiil ka socotay Ciidamada Xoogga Dalka ,Booliska , Nabad sugida ,Daraawiishta Koonfur Galbeed, iyo xubno ka socday Amisom.

Magaalada Baraawe ayaa dhawaan waxaa ka bilaaban doonta doorashada Xildhibaanada golaha shacabka sida uu qorsheeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *