Shir looga hadlayey xoojinta amniga oo lagu qabtay magaalada Garowe

Published: July 21, 2022
Shirka Amniga ee Gobolka Nugaal

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shir gudoomiyey Shirka Sarakiisha gobolka Nugaal, waxaana ka qayb galay Taliye ku xigeenka cusub ee qaybta gobolka Nugaal G/le Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) iyo taliyaasha Saldhigyada iyo Kantaroola.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shaqada socota ka dhagaysgay taliyaasha Saldhigyada iyo Kantaroolada Garowe wuxuu sido kale warbixin ka dhagaystay Taliyaha howl galinta booliska gobolka Nugaal G/le Maxamed Nuur.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa Sarakiisha faray in dagaalka lagu la jiro Mandooriyaha,tuugada dadka dhacda iyo kooxaha nabadiidka ah ee Alshabaab iyo Daacish laba Jibaaro shaqo adagna la qabto.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal ayaa sido kale sarakiisha faray in Taliye ku xigeenka cusub inay la shaqeyaan shaqadii socotay ee amniga la sii xoojiyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *