Shirka Agaasimayaasha Puntland Oo Ka Qabsoomay Garoowe

Published: October 17, 2020

Shirka agaasimeyaasha guud ee dowladda Puntland oo labadii bilood ay mar isugu yimaadaan, ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Garoowe, waxaana looga hadlay dardargelinta shaqada, caqabadaha shaqo, fursadaha jira iyo qorsheeyasha horumarin ee hay’adda dowladdu wadaan.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid, oo guddoomiyey shirka ayaa agaasimeyaasha guud hay’addaha dowladda la wadaagay qorshaha wadashqeyn joogto ah, si loo horumariyo shaqooyinka ay dowladdu u hayso bulshada iyo in ay jirto kala war qaadasho la iskula xisaabtamo shaqada socota oo qeyb ka ah Yoolka dowladda ee ku dhisan Tayeyn iyo Tiigsi.

Hay’addaha dowladda ayaa kulanka kusoo bandhigay shaqooyinka horumarka laga sameeyay, sida wasaaradda maaliyadda oo kulanka la wadaagtay qorshaha “Khasnada Mideysan” oo ka mid ah guulaha laga gaaray dhinaca hufnaanta maaliyadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *