Shirka sannadlaha ah ee Garsoorka dalka oo ay ka qeyb galayaan hay’adaha cadaaladda heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka, Sheekh Saalax Ibraahim Dhiblwaale oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa sheegay in shirkaan diirada lagu saari doono qodobo ay ka mid yihiin xal u helida Musuq maasuqa, Fulinta xukunada, Been abuurka iyo qodobo kale oo muhiim u ah arrimaha Garsoorka.
Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ah Hay’adaha Garsoorka Masuuliyiinta qeybta ka ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Guddiga Cadaaaladda iyo Garsoorka ee Baarlamaanka, Maxkamadaha gobolka Banaadir, Xafriiska Garyaqaanka, iyo Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah waxaa sidoo kale ka qeyb gelaya in ka badan 300 oo u badan sharci yaqaano iyo khubaro.
Horseed Media