Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo laga soo saaray War Murtiyeed

Published: September 12, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirkaan oo socday laba maalmood waxaa shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed & Galmudug halka Madaxweynaha Puntland uu uga qaybgalay Muuqaalka fogaan-aragga.

Shirkan soo maanta la soo gabgabeeyey waxaa looga hadlay arrimaha amniga, xoojinta howlgalada lagu ciribtirirayo kooxaha argagixisada iyo u gurmashada dadka ay saameysay abaaraha ka jira ka jira dalka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa laga soo saaray War Murtiyeedka ka kooban 7 qodob.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *