Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga

Published: May 16, 2024

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socdo xarunta Villa Soomaaliya, uuna guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin lagaga dhagaystay Wasaaradda gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga Koowaad ee howlgalka lagu xoreeyey deegaanno badan oo ay xoog ku heysteen argagixisada manaxayaasha ah, magaalooyinkaas iyo deegaannadaas oo ka tirsan dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Horseed Media