Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka furmaya Magaalada Muqdisho

Published: September 11, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo inta badan kuwa Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxda ayaa shirkan uga hadli doona arimaha Amniga, Abaaraha, La dagaalanka Al-Shabaab iyo xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada.

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa gaaray oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa wararka qaar sheegayaan in ay ahayd in uu yimaado maalintii shalay, laakiin uu ka baaqdey sida aan ka soo xiganey xog-ogaal, ma cadda in uu ZOOM uga qaybgalaaayo shirka iyo in kale.

Shirkan ayaa haddii uu qabsoomo noqonaya kii ugu horreey ee ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May ee sanadkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *