Shirka Golaha Wasiirada Ayaa Looga Hadley, Deyn-cafinta, Abaaraha, Iyo Amniga

Published: September 8, 2022

Shirka golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta qabsoomay waxaa looga hadlay sugidda amniga, dar-dar gelinta gurmadka abaaraha iyo barnaamijka geeddi socodka ee deyn cafinta Soomaaliya.

Gurmadka Abaaraha

Shirka oo uu goddoomiyey Ra’iisul-wasaaraha mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu horreyn wasiirka arrimaha gudaha Md. Axmed Macalin Fiqi looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayso howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka, si loo badbaadiyo malaayiinta ay abaartu saameysay.

Amniga iyo la-dagaalanka al-Shabaab

Wasiirka amniga gudaha mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa shirka ku soo bandhigay warbxin la xariirta howl-galladii ugu danbeeyey ee laga sameeyay dalka, sugidda amniga iyo xasillinta deegaannadda laga xorreeyo al-Shabaab, si loo gaarsiiyo adeegyada bulshada ee ay bixiso dowladdu, taa oo ka mid ah hadafyada waaweyn ee uu tilmaamayo qorshaha xukuumadda federaalka.

Shirka golaha wasiiradda ayaa lagu boggadiyay abaabulka iyo dhiiranaanta ay beelaha Soomaaliyeed uga hortagayaan argagxisada, isla markaana ay isaga difaacayaan al-Shabaab ee baneysatay naftooda iyo maalkooda ee ka socda gobollo badan oo ka mid ah dalka, iyagoo garab ka helaya ciidanka qalabka sida.

Barmaanijka Deny-cafinta

Wasiirka maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha warbixin ka siiyey halka uu marayo geeddi socodka deyn cafinta Soomaaliya oo sanadihii u danbeeyey soconayey iyo tallaabooyinka loo bahan yahay in la qaado, si loogu guuleysto hadafyada weyn ee suurta gelinaya in laga miro dhaliyo barnaamijkan oo ahmiyad weyn u leh koboca dhaqaalaha dalka.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *