Ugu danbeyn Xukuumadda Puntland oo bixineysa dhaqaalihii sixdda Imtixaanka

Published: July 21, 2022

Madaxweynaha Dowlad Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee khamiis kasta.

Shirka ayaa looga hadlay Amniga guud, gurmadka Abaarta, Natiijada imtixaanaadka fasalka 8-aad oo la shaaciyey iyo sixitaanka fasalka 12-aad oo bilowday.

Qoraal ka soo baxay xarunta Madaxtooyadda ee Putland ayaa lagu sheegay in Dowladdu ay bixisay kharashka imtixaanka lagu saxaayo fasalka 12aad.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa dhowaan Baarlamaanka ka hor sheegay in waayey kharash lagu saxo imtixaanka shaadiga ee fasalka 12aad, iyadoo ardayda imtixaankaas u fariisatay mid walba laga qaaday lacag gaareysa ilaa dhowr iyo sodon doolar.

Dhaqaalaha ugu badan ee Imtixaanka waxaa bixiya waalidiinta, sidoo kale waxaa Wasaaraddu xoogaa lacag ah ka heli jirtey hay’ad ay maalgeliso Midowga Yurub taas oo sanadkan joojisey kab aan ka badneyn 20%, laakiin Puntland oo ay ku soo hagaagi jirtey inta ugu yar ayaa laga waayey, taas oo noqotey fadeexad muujisey sida arriaha bulshada loo dayacay.

Horseed Media

Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xgeenka Putland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale looga hadlay tartanka kubadda Kolayga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. MashAllah dowlada Puntland waa u daacad dadkeeda iyo dalkeeda iyadoo ay jiraan duruufo adag hadana way dadaalaysaa intaa oo marwalba ka jawaabaysaa baahida jidha. Guul Puntland Guul Madaxwaynaha sharafta leh mudane Dr Saciid C Dani.