Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo warbixinno looga dhageystay Ra’iisul Wasaaraha & Ku Xigeenkiisa

Published: December 15, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay safarkiisi degmada Aadan Yabaal oo shalay isaga iyo wafdigiisa uu si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka warramay xaaladda nololeed ee degmada oo uu sheegay in Al-shabaab dhibaatooyin dhinac walba ah ay u geysteen shacabka ku noolaa degmada.

Xamse wuxuu ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee naftooda u huray sidii looga xorreyn lahaa degmada Ururka Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa isna Golaha Wasiirrada warbixin siiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, oo ka warramay shirarkii uu kaga qaybgalay dalalka Niger, Jabuuti iyo Angola, oo dhammaantood looga hadlayay arrimo la xiriira isbeddelka cimillada, amniga iyo isu dheelitirka horumarka dhaqaalaha dalalka Afrika.

Shirka Toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa lagu soo bandhigay laba hindise sharciyeed oo ay Golaha u soo bandhigeen Wasaarada Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta.

Horseed Media