Shirka iskaashiga Shiinaha iyo wadamada Afrika oo furmay

Published: September 3, 2018

Magaalada Beijing waxaa ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

Xi Jinping Madaxweynaha Shiinaha ayaa si rasmi ah u furay shirka , isal markaana sheegay in dalka Shiinaha iyo Afrika ay leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh.

Madasha Shiinaha iyo Afrika sanadkan waxaa hal ku dhig looga dhigay ” Shiinaha iyo Afrika oo u socda dhanka bulsho adag lehna Mustaqbal Wadaag iyada oo loo marayo Faa`ido ka timaada labada dhinac.

Shirka oo labo maalin socon doona ayaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Madashan ayaa waxaa la aas-aasay 10, October, 2000 waxaana lagu aas-aasay soo jeedin ka timid Madaxweynihii hore ee Shiinaha Ji─üng Z├®m├¡n.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah oo ka qeybgalaya Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ant├│nio Guterres, ergeyga Midowga Afrika Moussa Faki iyo 27 hay`adood oo Caalami iyo Afrikan ah.

Shirkan Saddexdii sano waxaa la qabtaa halmar, si loo xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Shiinaha iyo dowladaha Afrika, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *