Madaxda Caalamka oo ku qulqulaya hoolka shirka Soomaaliya ee London

Published: February 23, 2012

Waxaa maanta si rasmi ah u furmaya shirka caalamiga ah ee looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya, kaas oo ay ka soo qaybgalayaan madaxda 50 dal oo caalamka ah iyo qaybaha kala duwan ee Soomaaliya metela.

Wasiirka UK ee Arrimaha Africa, Henry Bellingham iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah, Stephen O’Brien, ayaa soo dhowaynaya ergooyinka marka ay galayaan xarunka kulanka.

Shirka oo ah mid soconaya maanta oo keliya ayaa looga hadlaayaa:

Amaanka
Geedi socodka Siyaasadda
Hormarinta Soomaaliya

  1. La dagaalanka argagixisada
  2. Ka hortaga Burcadbadeednimada
  3. Gargaarka Bini’aadanimo
  4. Wada shaqeynta Beesha Caalamka iyo Soomaaliya

Shirka waxaa ka qaybgalaya wakiilo ka socda Dowlada ku meel gaarka ,Puntland, Somaliland, Galmudug iyo Aluh Sunnah wal Jamaa.

Madaxda Soomaalida ee Shirka ka qaybgelysa ayaa waxaa ugu hoeyntii yimid Madadaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, sidoo kale waxaa goobta soo gaarey Madaxweyne Shiikh Shariif, Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibadda, Maamulka ahlu-sunnah iyo Galmudug ayaa iyaguna kadinka hore ku kulmey, Madaxweynaha Puntland oo uu la socdo Wasiirka Arrimaha gudaha Ilka jiir ayaa iyaguna soo gaarey, Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xassan iyo xubin ka socota Baarlamaanka ayaa iyaguna soo gaarey shirka, sidoo kale waxaa shirka lagu casumey Mayorka magaalada Muqdisho Tarzan oo isagu muddo dheer deganaa magaalada London.

Raysalwasaaraha UK David Cameron ayaa si rasmi ah u furaaya shirka saacaddu markey tahay 10:15 Waqtiga UK.

Qorshaha shirka ayaa ah mid dejisan oo horey looga shaqeeyey mana ahan wax Soomaalida lagu heshiisiinaayo ee waa in beesha caalamku u so jeesato arrimaha Soomaaliya, waxaa dhici karta in dhinacyada Soomaaliya uu u hadlo hal qof oo keliya marka la eego waqtiga iyo madaxda ka soo qaybgashey badnaantooda.

Shirka ayaa maanta gelinka danbe laga soo saarayaa Baaq loo dhan yahay.

Horseed Media