Shirka Maamul Baahinta iyo Waxsoosaarka Kalluumaysiga Degmooyinka Xeebaha oo ka furmay magaalada Garoowe

Published: August 24, 2024

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qayb galay Furitaanka Shirka Maamul baahinta iyo kobcinta wax soosaarka Kalluumeysiga ee Degmooyinka Xeebaha ah oo ka kooban 13- Degmo.

Shirka ayaa looga hadlay.

1. Baahinta, Kor-uqaadista iyo Daadejinta Maamulka Degmooyinka Xeebaha ah ee Puntland.

2. Xoojinta Iskaashiga iyo wadashaqaynta Wasaaraddaha kala duwan ee ku sugan degmooyinka Xeebaha ah.

3. Cadaynta Masuuliyadaha kala duwan ee Hay’adaha Amniga, Kalluumaysiga, Maaliyada, Arimaha Gudaha iyo Garsoorka

4. Kor-uqaadista waxsoosaarka kalluumaysiga, Xoojinta Aminga, Garsoorka iyo dakhliga xeebaha.

5. Faafinta iyo xoojinta ku dhaqanka Xeerarka Hay’adaha Dawlada gaar ahaan Arimaha Guddaha, Kalluumaysiga, Maaliyada, Aminga iyo Garsoorka.

Shirka oo ay soo qaban-qaabiyeen Wasaaradaha, Kalluumaysiga, Arrimaha Gudaha, Maaliyada, Amniga iyo Cadaalada waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska, Guddoomiyayaasha Degmooyinka ku teedsan Xeebaha, Wakiilo ka socday Hay’addaha Caalamiga ah iyo masuuliyiin kale.

Hal ku dhiga Shirka ayaa ahaa.

-Maamul baahsan iyo Masuuliyad cayiman.

-Kalluumayso oo koryeel dakhkiga dalka.

Horseed Media