Shirka Wadatashiga Curinta Buuga Bad qabka Wariyaha Soomaaliyeed oo Muqdisho Lagu Qabtay-Sawiro/Video

Published: January 26, 2017

Magaaladda Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay shir labo maalmood soconayay oo lagaga tashanayo, lagagana doodayay curinta buug yaraha badqabka iyo difaaca suxufiga Soomaaliyeed.

shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP waxaa lagu qabtay Hotel Ramada ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiinta ka socday Ururadda Saxaafadda ee Heer federaal oo ay ka mid yihiin Ururka Suxufiyiinta soomaaliyeed ee NUSOJ, Ururka Midowga Idaacadaha ee SOMA, Ururka Mulkiilayaasha Warbaahinta ee SIMHA iyo xubno ka socday ururadda saxafiyiinta ee Maamul goboleedyadda ee Dalka.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland MAP Faysal Khaliif Barre wuxuu ka sheekeeyay marxaladihii la duwanaa ee soo marayay diyaarinta iyo sababihii keenay in la soo saaro Buugyarahan ka hadlay hababka ugu wanaagsan ee suxufiga soomaaliyeed uu kor u qaadi karo badqabkiisa.

” Ilaa 1000 wariye ayaa Soomaaliya siyaabo kala duwan uga howgala, Magaalada kowaad ee wariyayaasha ugu badan ay joogaan waa muqdisho, waad ogtihiin inta wariye lagu dilay ama lagu xiray, Magaalada labaadna waxay noqotay Galkacayo, oo wariyayaasha ugu badan lagu dilay, magaalooyin kalena waxay noqdeen Bosaso iyo kismaayo” ayuu yiri Faysal Khaliif Barre.

Maalinta Labaad ee tababarka Waxaa lasoo bandhigay TUSMADA BUUGA, oo ka qaybgalayaashii shirku ay si weyn uga doodeen, islamarkaana ay soo bandhigeen fikaradahooda iyo aaraada ay ka qabaan, waxaana ay iska dhex magacaabeen guddi ka shaqeeya, islamarkaana qiimeeya buugyaraha badqabka Wariyaha,

“in haddii la hele hab ama hannaan lagu shaqeeyo, annaga gacmaheena ku diyaarsanay, inay bilow fiican u noqonayso, mustaqbalka badbaadinta warbaahinta Soomaaliyeed iyo wariyayaasha ka shaqeeya” ayuu yiri Abubakar Al-badri oo ka socday Hay`adda IMS/Fojo oo dhinaca dhaqaalaha ka caawinaysay suxufiyiinta Soomaaliyeed inay soo saaraan buuga badqabka.

Gabagabadii, shirka lagaga tashanayay curinta buugyaraha badqabka Suxufiga waxaa soo xiray Xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Macalimo, wuxuuna ka hadlay qarixii shalay ka dhacay magaaladda muqdisho, kaasi oo 7 suxufi ay ku dhaawacmeen, waxaana uu tilmaamay in buugyarahahi uu wax ka gaysan doona badqabka iyo sida uu wariyuhu insaga ilaalan karo khataraha soo wajahan.

https://youtu.be/JzwmVWqeZao

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *