Shirkadda Hormuud Telcom iyo NISA oo eedeyn is dhaafsadey

Published: January 15, 2024
Shares56

Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa eedeyn u jeedisey hay’adda sirdoonka ee NISA kadib markii ay khal-khal gelisey ganacsigeeda sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda.

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtey in saraakiil ka socotey NISA ay mid kamid ah xarumaheeda ku yaala degmada Hodan ka dalbatey in ay u daabacaan dhaqdhaqaaqa lacagta Mobileka ee EVC loo yaqaan dad ka mid ah macaamiisha shirkadda taas oo shirkaddu diidey, kadib saraakiil ka socotey NISA ayaa xabsiga u taxaabey laba kamid ah shaqaalaha Hormuud.

Sidaas oo kale ayaa shirkaddu waxay sheegtey in bangiga Salaam laanta Xamarweyne khalkhal la geliyey.

Hay’adda NISA ayaa ka jawaabtey eedeynta waxaana lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay NISA.

“….Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023-kii oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, kaddib baaritaan ay Hay’addu sameysay waxa ay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka….”

War saxaafadeedka NISA ka soo baxay ayaa lagu eedeeyey shirkadda Hormuud telcome in ay jebisey sharciga isgaarsiinta iyo kan la dagaalanka argagixsada.

“….Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003 qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007 qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.

NISA ayaa sheegteu in ay so xirtey qaar kamid ah shaqaalaa Hormuud ee is hortaagey gudashada waajibaadka shaqo ee hay’adda.