Shirkii Golaha Wadatashiga qaranka oo Ay ka soo baxdey qodobo gubaabo ah!

Published: August 28, 2023

Shir qaatey muddo saddex maalmood ah oo golaha wadatashiga qaranka uga socdey Dhuusamareeb ayaa habeenkii xalay la soo gebagebeeyey.

golaha wadatashiga qaran dhuusamareeb

Shirka Golaha wadatashiga qaran ee ka socdey Dhuusamareeb ayaa ka duwanaa kuwii hore, ma jirin wax go’aamo ah oo ka soo baxay marka laga reebo qodobo wada guubaabo u badan kuwaas oo la xiriira dagaalka al-Shabaab lagu hayo.

Shirka ayaa si maqaam aad u hoseeya ah uga hadley xaaladda gobolka Sool, kadib markii ciidamada Somaliland laga saarey, gobolka oo dhana laga taagey calanka Soomaaliyeed.

Mudadii shirku socdey waxaa dacay dagaalkii weynaa ee Cawsweyn ee waxyeelada loogu geystey ciidamada dowladda federaalka kadib markii al-Shabaab ay qabsadeen saldhiggaas oo ku yaala galguduud.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka oo qaybgalay Madaxweynaha dalka, Raysal-wasaareha Raysal-wasaare ku-xigeenka, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland, Hirsabelle iyo Koonfur Galbeed.

Dowladda Puntland ayaa horey u qaadacdey shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana y ku sheegtey hay’ad aan sharciba ahayn ee loo dhisey arrimaha doorashooyinka dadban.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu booqdo Gaalkacyo, sidoo kale Madaxweyne Xasan sheekh ayaa isagana doonaya in uu gaalkacyo ka tago dhanka Galmudug degan tahay, waxaana wararku sheegayaan in ay u badan tahay kulan doceed ku yeeshaan halkaas.

Horseed Media