Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo laga soo saaray Qoddobo ku saabsan amniga & doorashada

Published: August 25, 2022
Shares272

Fadhigii 98aad ee Golaha Wasiirada Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu lafa-guray arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo doorashooyinka Somaliland.

Golaha ayaa isagoo ka duulaya arrimahaa amniga iyo doorashooyinka waxa uu soo saaray qodobadan:- 

1. Waxa loo raacayaa arrimaha Doorashada xisbiyada/ururada, Xeerarka Somaliland ay ka mid yihiin Dastuurka, Xeerka Guud ee Doorashooyinka Xeer Lr-91/2020, Xeerka Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Lr-14/2011 iyo qaraarkii Maxkamada Dastuurkiga ahi soo saartay.

2. Xukuumadda Somaliland iyadoo fulinaysa Lr-14/2011 qodobkiisa 6aad oo dhigaya in 10-kii sannaba hal mar loo tartamo Saddexda Xisbi ee Somaliland yeelanayo, waxay dhamaystirtay tallaabooyinkii sharci ee xukuumadda kaga aadanaa hawlahaa.

3. Xukuumadda waxa ka go’an in lagu dhamaystiro hawlaha diiwaangelinta, kala saarista iyo doorashada xisbiyada/ururada siyaasadda wakhtiga sharcigu u cayimay, iyadoo hawlahaasina uu sharcigu u xilsaaray Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta iyo Guddida Doorashooyinka.

4. Cid kasta oo cabasho ka qabta hirgelinta xeerarka doorashooyinka waxay dacwad u gudbin karaan hay’addaha garsoorka ee u xilsaaran. Haseyeeshee Cidina xaq uma laha in ay si cunfi ah oo ka baxsan sharciga ku raadiso sida ay rabto.

5. Ilaalinta Amniga, Fulinta Xeerarka iyo ka hortagga rabshaduhu waxay ka mid yihiin waajibaadka Xukuumaddu u xil-saaran-tahay. 

6. Golaha wasiiradu waxa uu ku bogaadinayaa ciidamada amniga ilaalinta nabadgelyada ee ay heeganka u yihiin goobkasta iyo goorkasta, waxaana uu goluhu si adag uga digayaa cid kasta oo waxyeelo u geysata ama kala hortimaada ciidamada ilaalinta nabadgelyada falal lid ku ah xil gudashadooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *