Shirkii Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo burburay

Published: October 6, 2019

Shirkii dalka Sweden uga bilowday wafuuda ka kala socday labada dal ayaa kusoo dhamaaday heshiis la’aan.

Wafdiga Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeeyey burburka wadahadalkan kooxda ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka oo ay sheegeen inay diideen inay sameeyaan wax tanaasulaad ah.

Wadahadalkan ka socday maalmahan magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa ahaa mid la doonayey in dib loogu furo shirarka fool ka foolka ah ee labada wadan kadib markii uu horey u burburay wadahadalkii ay hogaamiyayaasha dalalkaasi bishii Feberaayo ku yeesheen wadanka Vietnam.

Dhinaca Maraykanka ayaa sheegay inay iyagu doonayeen in wadahadalka sii socdo isla markaana la yimaadeen fikirado wanaagsan oo horey loogu sii wadi karay wada-xaajoodka balse ay ka xun yihiin in shirkan natiijo la’aan ku dhamaado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *