Shirweynaha Ololaha Caalamiga ah ee Ciribtirka Gudniinka oo Muqdisho Ka Furmay

Published: July 22, 2018

Magaaladda Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweyne ay isugu yimaadeen Hoggaamiyaasha bulshada Somaliyeed iyo Beesha Caalamka, 

shirka  oo lagu qabtay Xarunta Xalane ayaa waxaa  looga hadlay guulaha iyo caqabadaha ciribtirka gudniinka Gabdhaha Somaliyeed waxaa ka qaybgalay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Maxamed Siciid Abdullahi, Wasiir ku-xigeenka difaaca xukuumada Federaalka Cabdullaahi Olaad, Culuma’diinka Somaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee Warbaahinta.

“ Waxaanu diyaar u nahay inaanu la shaqayno Ololaha Saxaafada Caalamka iyo Hay’ada Ifrah Foundation ee lagu ciribtirayo FGM iyo sidoo warbaahinta dalku ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen soo afjarida dhaqankan” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

Wuxuu sheegay in gudniinka gabdhuhu uu dhibaato caafimaad iyo geeriba u Keeno haweenka Somaliyeed, islamarkaana ay xukuumada federaalku ay mudnaanta kowaad siinayso la dagaalanka FGM-ka.

“ Waxaanu u baahanahay inaanu bilowno olole rasmi ah oo lagu ciribtirayo Gudniinka gabdhaha, inta badan dadku waxay hadda aamisan yihiin in gudniinku uu caafimaad darro u Keeno gabdhaha iyo hooyooyinka” Sidaas waxaa yiri wasiir ku-xigeenka Gashaandhiga dowlada federaalka.

Ku-xigeenka Safiirka UK ee Somalia  Mary Shockledge oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Britian ay sii wadayso taageerada dhaqaale ay ku bixiso la dagaalanka gudniinka Gabdhaha ee FGM

“ Marna ka daali mayno  inaan ciribtirno gudniinka Gabdhaha” Sidaas waxaa yiri Shockledge

Sheekh Cali Dheere oo ka mid ah culuma’udiinka Somaliyeed waxaa u sheegay in door muhiim oo firfircoon ay ka qaadan doonaan sidii loo ciribtiri lahaa Gudniinka, islamarkaana loo bedeli lahaa dhaqanka bulshada ee la xiriira gudniinka.

HORSEEDMEDIA 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *