Sicirka Batroolka ee caalamka oo sare u kacay kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine

Published: February 25, 2022

Suuqyada caalamka ayaa laga dareemayaa sare u kaca qiimaha batroolka oo gaaray $105 fuustadii oo ah qiimihii ugu sareeyey tan iyo sanadkii 2014, arrintan ayaa loo aaneenayaa weerarka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine oo laga cabsi qabo inuu saameyn ku yeesho ganacsiga caalamka.

Qiimaha ayaa sare usii kacaya xili dalka Ruushka oo kamid ah wadamada soo saara Saliida la filayo inuu hoos u dhigo batroolka uu caalamka u iib geeyo taasi oo saameyn doonta suuq batroolka, walow Maraykanka sheegay inuu sare u qaadi doono batroolka uu iibiyo si loo kabo isbedalka ku yimid sicirka saliida.

Midowga Yurub, UK iyo Maraykanka oo iyagu cunaqabateyn kusoo rogay dowlada Ruushka ayaa la filayaa sidoo kale inay saameyn ku yeelato shirkadaha lagaleeyahay Ruushka oo uu hada kasoo xirmayo suuqyada ugu waaweyn ee Caalamka.

Dalal badan oo kamid ah Yurub ayaa ku tiirsanaa shidaalka iyo Gaaska ay ka gataan Ruushka, iyadoo cunaqabateynta lasoo rogay ay keeni doonto in wadamadaasi ay raadsadaan suuqyo kale oo ay ka gataan shidaalka & Gaaska.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *