Somaliland: Doorashadii Madaxweynaha oo mar kale dib loo dhigay

Published: January 25, 2017

Doorashadii Madaxweynaha ee Somaliland oo dhici alahayd 17 Maarso 2017 ayaa dib loo dhigey mar kale, waxaana sabab looga dhigey abaaraha dalka ka jira.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, kuiheenkiisa Cabdiraxmaan Saylici iyo hoggaamiyaasha saddexda Xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID o ay weheliyaan Komishanka Doorashooyinka ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Hargeysa, waxaana ay isku raaceen in doorashada aan la qaban karin xiligeedi, maadaama dalka ay ka jirto abaar, dadkiina ay u hayaameen meelo kale.

Doorashada ayaa dib loo dhigey muddo 6 bilood ah, waxaana ay isku raaceen in la qabto 10 Oktoobar 2017. Sidoo kale waxaa la isku waafqey in doorashada Baarlamaanka iyo goloyaasha deegaanka isla xiligaas la qabto.

Go’aankan ayaa loo gudbinayaa Aqalka Guurtida Somaliland oo ka gaaraya go’aanka ugu danbeeya.

Muddada xilka loo dhaariyey Axmed Siilaanyo ayaa ku ekeyd 31 July 2015, waana markii labaad ee dib loo dhigo doorashada Somaliland.

Doorashada Baarlamaaniga aha ayey ugu danbeysey sanadkii 2005, waana marka keliya ee ay dhacdey, waxaana Xildhibaanada hadda fadhiyaa ay xilka hayeen in ka badan 11 sano iyada oo ay isaga kala gudbeen Xisbiyo kala duwan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *