Somaliland oo duqeyn ku dishey abwaan Jaamac Kadiye Cilmi

Published: August 16, 2023
Shares46

Ciidamada Somaliland ee dul fadhiya xarunta goolka Sool ee Laascaanood ayaa goor danbe oo Arbacada ah geystey duqeyn aan loo meeldayin taas oo ku dhacdey guryaha dada rayidka ah iyo goobaha kale ee bixiya adeega bulshada.

Abwaan Jaamac Kadiye oo caan ka ahaa geyiga Soomaaliya ayaa gurigiisa madfac ku dhacay, waxaana ku geeriyodey abwaanka halka ay ku dhaawac meen dad kale oo ehelkiisa ah, sdia ay eheladiisu warbaahinta u xaqiijiyeen.

Rabbi ha naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye waxa uu ahaa abwaan si weyn loo yaqaan, waxa uu ka soo shaqeeyey dowladdii hore ee kacaanka, waxaana uu caan ku ahaa midnimada dalka iyo inaan la kala goyn.

Maamulka Somaliland waxaa laga diidey gobolka Sool, waxay dhisteen maamul u gaar ah waxayna ka tashteen aayahooda, beesha caalamku waxay ugu baaqdey in Somaliland cidamadeeda la baxdo taas oo aysan weli fulin, waxaana ay joogto ka dhigtey madaafiicda ay ku hayso magaalada Laascaanood, waxaana ay horey u duqeysey goobaha rayidka, isla todobaadkan ayey ahayd markii caaqil magiciisa la yiraahdo Jaamac Maxamed Digaale ay madaafiicda habowga ah ku dileen.

Horseed Media