Somaliland oo ka hadashay geerida Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland

Published: November 2, 2019
Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iiman

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay geeridii taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iiman oo xalay geeriyooday.

Waxa uu wasiirku ciidanka booliska iyo shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida ku timid taliyihii ciidanka Booliska Somaliland oo uu ku tilmaamay masuul xil kas  ah oo si waddaniyad iyo hagar la’aan ah ugu soo shaqeeyey Somaliland.

Taliye Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa xanuunsanaayey dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey, isaga oo markana dalka Turkey-ga u tegay dawayn caafimaad.

Alle ha u naxariistee marxuum Cabdilaahi Fadal Iiman waxa uu hore xilal uga soo qabtay ciidanka Booliska  Somaliland , waxaanu soo noqday , taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo hogaanka hawlgelinta ciidanka booliska oo uu hayey muddo ku dhow labaatan sanno.

Sannadkii 2012-kii uu madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay xilka taliyaha ciidanka Booliska Somaliland , xilkaas oo uu ilaa hadda hayey, waxaanu waqtigaas bedelay , taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed  Saqadhi Dubad oo isna geeryooday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *