Somaliland oo mamnuucday isticmaalka baasaboorka Soomaaliga ah

Published: January 29, 2017

Maamulka Somaliland ayaa ka mamnuucay deegaanada uu ka arimiyo isticmaalka baasaboorka Soomaaliga ah, kadib amar ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiiray Farotoon.

Shacabka Somaliland ayaa Sidoo kale lagu amray in ay qaataan kaararkaaqoonsiga ee muwaadimo, si loo oo kala saaro qofka muwaadinka ah iyo kan aan ahayn ah.

Go`aamadan ayaa yimid kadib markii ay kulan xasaasi ah ay isugu yimaadeen wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, wasiirka duuliska, hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, wasiiru dowlaha amniga Maxamad Muuse Diiriye, taliyaha Ciidanka booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, taliyaha ciidanka laanta socdaalka Maxamad Cismaan Caalin.

Shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa intooda badan isticmaala baasaboorka Soomaaliga, iyadoo magaaloyinka maaamulkaasi laga qaato baasaboorka, balse waxa aan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono amarkan

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *