Somaliland oo Saddex Milyan u Qoondeeysay La Dagaallanka Covid-19

Published: April 19, 2020

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku dhawaaqay qoondo lacageed oo loogu talagalay la dagaalanka cudurka covid-19 taasi ah oo saddex Milyan oo doolar

Madaxweynaha wuxuu sheegay inay xukuumad ahaan fureen Sanduuq lagu ururinayo dhaqaalaha loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan ku shubeen qaddar lacag ah, waxana uu yiri

““Waxan go’aaminnay in la furo Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, dawlad, baayac-mushtar iyo ciddii kale ee ina caawinaysa ee adduunka ah oo halkaas lagu soo ururiyo oo loo diyaar garoobo haddii hawshu soo cusboonaato, dawlad ahaanna $3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas oo aannu ka goynay mashaariicdii horumarka, gunnooyinkii iyo wixii kale ee la hakin karo ee dawladdu ay leedahay, uu dhaqaalaheeda saamaynayo dhaqaalaha istaagay.” ayuu yiri madaxweynuhu

waxa uu madaxweynuhu bulshada kala hadlay xanuunka halista ah ee COVID-19 iyo sida ay bulshadu uga hortegi karto, isaga oo ku taliyey in la kala fogaado, talada dhaqaatiirtana la qaato, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Ma odhan karno meel walba weynu xidhaynaa waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu xidhno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale bulshada ugu baaqay inay guryahooda ku cibaadaystaan, kana dheeraadaan goobaha masaajiiddada si looga fogaado isu ururka bulshada, isaga oo culimada iyo dadka kaleba ugu baaqay inay raacaan talada dhakhaatiirta iyo guddida ka hortagga xanuunka COVID-19,

““Innagu waxaynu leenahay maadaama oo uu xanuunkii inagu jiro oo aynu hubno ururrada aynu masaajidku kamid yahaye dadku guryahooda haku tukadaan, masaajidkii marka intaas oo qof isugu timaaddo ee kii kaa horreeyey halkuu ku suguuday aad ku sujuuddo ee kii soo galay aad lasoo gasho Ilaahay baa inoo fasaxaye ma aha wax aynu diintii ku gefayno, inaynnu is fahmi weynonna ma ahee culimada iyo dadkoo dhanba waxaynnu leenahay caafimaadkeennii baa ku ege sida inoo roon ee guddidu inoogu talinayso aynnu yeelno,” ayuu yidhi madaweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ganacsatada iyo baayac-mushtarka ayuu sidoo kale madaxweynuhu ugu baaqay inay maalkooda iyo maskaxdoodaba kaga qayb-qaataan halganka lagula jiro xanuunka covid-19, una damqadaan bulshadooda,

“Tujaarta iyo baayac-mushtarka waxa la farayaa haddii ay sekedoodii tahay iyo sadaqo iyo waxtarba inay maanta dadka la gurmad galaan oo xoolahooda kula hawl-galaan dawlad iyo shicibba in xanuunkaas laga hortago, qaar kasoo jawaabayna way jiraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweyne Biixi waxa uu si qoto dheer uga hadlay arrinta qaadka oo bulshada dhibaato ku haya iyo joojintiisa, waxana uu caddeeyey inaan lagu joojin Karin laab la-kac iyo caaddifad, balse loo baahan yahay go’aamo lagu midaysan yahay oo si hufan loo lafo-guray, si dhibaato la’aan loo joojiyo qaadka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *