Somaliland oo sheegtay in sanadkan aanay dadkeedu ka qaybgeli doonin gudashada Xajka

Published: June 29, 2022

Wasiirka Diinta & Awqaafta Somaliland ayaa sheegay inaanay shacabka reer Somaliland sanadkan ka qaybgeli doonin gudashada acmaasha Xajka, ka dib markii uu Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay soo fara-gelisay arrimaha Xajka.

Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa sheegay inaysan Somaliland sanadkan Dowladda Federaalka ka helin saamigii Xujeydeedu ay xaqa u lahaayeen.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya ku eedeeyay inay carqalado joogto ahi ku hayeen dadka reer Somaliland, marka ay noqoto gudashada waajibaadka Xajka iyo Cumrada.

Wasiir Albaani ayaa soo saaray go’aamo, isagoo dhanka kalena baaq u jeediyay Dowladda Sacuudiga, si ay arrintani u soo fara-geliso.

“Haddaba Dowladda Somaliland iyo shacabkeeda oo isku duuban waxay go’aansadeen, oo aan halkan ku caddeynaynaa 

1- in dadkayaga iyo shacabkayaga sanadkan aanay xajin doonin, duruufahaa aanu soo sheegnay awgeed. 

2- Waxaanu halkan ku cambaareynaynaa takri-falka iyo siyaasadeynta ee Dowladda Somaliya kula kacday arrimaha Xajka. 

3- Waxaanu mar labaad baaq u diraynaa Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dunida Muslimkaba in ay si degdeg ah arrintan u soo fara-geliyan, maadaama afar milyan iyo dheeraad qof oo reer Somaliland ahi dadkii ka xajiyi lahaa maanta la iska hortaagay.” Ayuu yiri Wasiir Albaani.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *