Somaliland oo xukun dil ah ku ridday sarkaal Hargeysa ku dilay Gabar dhalinyaro ah

Published: May 9, 2022

Somaliland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Somaliland, kaas oo saddexdii bishaan May toogasho ku dilay marxuumad Najmo Cabdillahi Maykal.

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

Maxkamadda milatariga Somaliland oo soo soo saartay xukunka ayaa sheegtay in Saalax oo isla-markiiba gacanta lagu dhigay falka kadib lagu helay dambiga lagu soo oogay, waxayna ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaas marxuumada oo ahey gabar dhalinyaro ah.

Goobta maxkamadeynat ee sarkaalkaan iyo xukunka soo baxay waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kala duwan.

May be a closeup of 1 person

AUN Najmo oo wadatay xilliga la dilayey gaari nooca raaxada ah, ayaa iyadoo mareysa agagaarka maxkamadaha waxaa rasaas ku furay sarkaalkan oo isku dayey inuu baxsado.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *