Somaliland oo xukunno ku riday Cabdimaalik Coldoon & Suxufiyiin kale

Published: May 23, 2022
No photo description available.

Maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa ayaa saaka 2 sanno oo xabsi ah iyo  3 Milyan oo lacagta Somaliland ah ku xukuntay Samafale Cabdimalik Muuse Coldoon, oo in muddo ah xirnaa, waxaana tiro dhowr jeer oo hore loogu waayay wax dambi ah.

Samafale Cabdimaalik ayaa dhibbane u ahaa Xukuumadda Somaliland sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo Xabsi muddo dheer ah uu ku qootay sababo aan caddeyn.

Ehellada Samafalaha iyo qaar kamid ah dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dhaleeceeciyey go’aanka ka soo baxay maxkamadda ee lagu xukumay Cabdimaalik.

Sidoo kale, Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay wariyeyaasha kala ah Mohamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *