Soomaaliya ayaa beenisay sheegashada Kenya ee heshiiska badda ee lagu xalinayo xiisada Itoobiya

Published: April 12, 2024

Soomaaliya ayaa si adag u diidday hadal ka soo yeeray mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya oo ahaa in heshiis dhinaca badda ah oo ay wada gaaraan dalalka ku jira urur goboleedka IGAD la soo jeediyay si loogu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan ku xadgudubka Qaranimada Soomaaliya.

Cali Cumar balacd, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ahna ku simaha wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda

Cali Cumar Balcad, Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku gacan seyray qorshaha la sheegay ee Kenya soo bandhigtey inuu yahay mid aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku adkeysaneyso midnimada dhulkeeda.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee ay ku lug leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya gabi ahaanba waa kuwo aan waxba ka jirin. Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa midnimada dhulkeeda. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.” Balcad ayaa sheegay.

Diidmadan ayaa timid ka dib markii Korir Sing’oei oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in heshiis dhinaca badda ah oo ay fududeysay Kenya looga hadlayo gudaha IGAD. Heshiiska la soo jeediyay ayaa ujeedadiisu ahayd in Itoobiya oo aan bad lahayn la siiyo “helitaanka kheyraadka badda xasilloon oo la saadaalin karo” iyadoo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiska badda ee la sheegay ayaa soo shaac baxay ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday 1-dii January 2024 inay la wareegtay dhul xeebeed 20-km ah (12-mile) ah xeebaha Somaliland, oo ah gobol sheegta in ay ka go’day Soomaaliya, si ay u hesho aqoonsi. Tallaabadan ayaa waxaa si weyn uga horyimid dowladda Soomaaliya oo ilaalineysa madaxbanaanida iyo qaranimada dalka, sidoo kale waxaa canbaareeyey beesha caalamka, Itoobiyana wax garawshiyo ah kuma helin in ay heshiis la gasho Somaliland.

HORSEEDMEDIA