Soomaaliya iyo Comoros oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

Published: January 30, 2024

Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga wuxuu kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Comoros, Azali Assoumani ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, xilli ay ka wada qayb galayeen Shir Madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika.

Labada madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha gobolka, sare u qaadidda danaha labada dhinac iyo xoojinta dedaallada iskaashi, si Qaaradda Afrika ay u gaarto mustaqbalka horumar iyo barwaaqo.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla qaatay in ay lama huraan tahay dhowridda madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, si looga mira dhaliyo hiigsigsa iyo horumarka Qaaradda.