Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ka gaaray horumarinta iskaashiga labada dal

Published: November 25, 2022
Shares6

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan iskaashigooda laba geesoodka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Demeke Mekonnen ayaa la kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Naimey ee dalka Niger.

Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ku heshiiyey inay yeeshaan iskaashi qoto dheer oo labada dhinac ah iyo mid dhinacyo badan leh.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto guddi heer wasiir ah oo isku dhaf ah oo ka shaqeeya kor uqaadida iskaashiga labada dal.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in nabadda Itoobiya ay saameyn badan ku leedahay nabada Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Wuxuu kaloo Itoobiya ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso la dagaallanka argagixisada.

Horseed Media