Soomaaliya iyo Kuuriyadda Koonfureed oo iska kaashanaya horumarinta barnaamijyada Farsamada Gacanta

Published: June 5, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha hay’adda horumarinta Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Soomaaliya ku taamayso.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka waramay muhiimadda uu dalkeenu u leeyahay is beddelka dhaqan dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 40 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Madaxweynaha hay’adda KOICA ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan hindisayaasha uu Raii’sul Wasaaraha kala hadlay, gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

Horseed Media