Soomaaliya iyo Qadar oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah ee Waxbarashada

Published: March 27, 2022

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qadar oo uu kaga qayb galayo Shirka Madasha Dooxa, ayaa waxa uu Heshiis is-afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka waxbarashada ee dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay’adda Qatar Fund.

Heshiiskan Is-afgaradka ah oo ah oo la sheegay in lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada, ayaa sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada.” Ayuu yirii Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle oo ka hadlayey saxiixa heshiiskan Is-afgaradka ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *